R/wasaare Rooble oo ka qayb galay kulan loogu ducaynayay dadkii ku dhintay qaraxii Soobe.

821

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay qaraxii Soobe ooka dhacday Tiyaatarka Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala tirsan goleyaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya,Gobolka Banaadir , culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Kulankan oo ahaa mid  loogu duceynayay dadkii lagu xasuuqay qaraxii Soobe, Saddex sano ka hor maanta oo kale, ayaa sidoo kale looga arrinsanayay sidii looga hor tegi lahaa weerarrada noocaas oo kale ah in aysan dhicin.

Raysal wasaare Rooble oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hadda kadib ay dowladdu kordhineyso la dagaalanka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale ka codsaday qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed in ay dowladda ka garab siiyaan arrintan ka hortageeda.