Gudiga Doorashada Jubbaland oo gaadhay Degmada Afmadow.

226

Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gaadhay degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda hoose.

Ujeedda Booqashada gudiga doorashooyinka Jubbaland ayaa ah sidii gudiga ay u qaban lahaayeen doorashada golaha deegaanka oo mudooyinkii danbe ka socotay Afmadow.

Safarka maanta ay ku gaadheen Gudiga doorashada Jubbaland Afmadow ayaa waxaa ku waheliya Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Jubbaland.

Dhismaha golaha deegaanka Afmadow ayaa waxaa uu marayaa meel-gabogaba ah,iyadoo dadwaynaha Afmadow ay soo dooranayaan 21 xubnood oo ah golaha deegaaanka Afmadow.

Afmadow ayaa noqonaysa Degmadii ugu horaysay ee laga hirgaliyo dhismaha golaha deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa muddo ilaa sadex Isbuuc ah ku sugnaa Afmadow si loo hirgaliyo Dhismaha Golaha deegaanka Afmadow