RW Rooble & Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo kulan yeeshay

85

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Guddoomiye Cismaan Barre ayuu ku sheegay kulanka dhexmaray isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ahaa mid la xiriiray Salaan, Hambalyo iyo Is-barasho.

 

Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu soo dhso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ku wehliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka & Wasiiru Dowlaha Kalluumeysiga  Kheyraadka iyo badda Hir-Shabeelle  Axmed Cabdi Cali.