Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Mareykanka Oo Heshiis Is-Afgarad Ah Gaaray

52

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday heshiis is-afgarad ah  ay  gaareen ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo Arbacadii loo dhaariyay xilka, kadib ansixintii Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kaidb kulan ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa marka hore loogu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cuusb oo ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

 

Waxaa kaloo Safiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ay ka wada hadleen muhiimada ay leedahay in lasii wado dib u habeynta Arrimaha dhaqaalaha dalka iyo amniga.

 

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo sii hayaha wasiiirka Maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay kala saxiixday heshiis labo geesood kaas oo lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deyn Soomaaliya ay ku leeyihiin sadax hey’adood oo Dowladda Mareykanka ah.