Naadiga JCCI oo qabtay kulan loogu duceeynayay Marxuum Shaafi

151

Kooxda kubadda cagta ee JCCI FC ayaa kulan duco ah u qabatay AUN Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, wasiirro iyo xildhibanno ka tirsan Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah, maamulka iyo ciyaartooyda naadiga JCCI ayaa loogu duceeyay Marxuum Shaafi, ayadoo dhinaca kale ay maamulka kooxdu u sadaqeeyeen marxuumka Kutub qur’aanka kariimka ah Kuwaa oo la geyn doono mid kamid ah masaajidda ku yaal Kismaayo.