Ciidanka Danab Oo Sheegay In Ay Dileen Xubno Sar-Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

80

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa xalay howlgal ay ka sameeyen duleedka deegaanka Tooratoorow ee gobalka shabeellada hoose ayaa waxaa  ay  sheegeen in ay ku dileen Xubno ka tirsan   Al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidamadu sheegeen in ay ku dileen sideed ruux oo isgu jirta Saraakiil  iyo dagaalamayaal ka tirsan AL-shabaab kuwaasi oo sida ay sheegeen uu qorshaha howlgalku ahaa.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in Saraakiisha la dilay ay ahaayeen kuwo dhibtaato badan ku hayay Ummadda Soomaaliyeed, waa sida hadal uu u dhigaye, islamarkaasna la soo afjaray howlgalkaas.