
Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa gaaray Deegaanka Shabeelow Ee Gobolka Mudug halkaas oo dhawaan dadka deegaanku kula dagaalameen Xubno ka tirsan Maleshiyada Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa ka amba baxay Deegaanka Dhagaxleey oo Qiyaastii 20 KM u Jirra Shabeelow, waxaana la sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay degaanka Shabeelow ay isaga baxeen.
Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay doonayaan in howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka sameeyeen dhammaan tuulooyinka hoostega deegaanka Bacaadweyn.
Shabeelow ayaa dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ku dhexmaray dadka deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana halkaas ku geeriyooday dad ku dhow 16 qof oo labada dhinac ah, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaal maalin ka hor Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Shabeelow oo u dhaw deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa galaaftay nolosha in ka badan