Golaha Wasiirada Jubbaland oo shirkooda uga hadlay xaalada gobolka Gedo.

43

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa shirkoodii kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee ka tagan gobolka Geddo,iyadoo golaha wasiirada ay walaac xoogan ka muujiyeen faragalinta dowlada federaalka ku hayso gobolkaas,waxaana dowlad goboleedka Jubbaland sheegtay in la siyaasadeeyey dhaqaalihii beesha caalamka ay ku bixin jirtay gobolka Gedo oo 67% lagu bixin jiray horumarinta gobolka.

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo dalxiiska caydiid Saleebaan Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay ilaaliso hanaanka federaalka iyo dastuurka dalka faragalintana ay ka dayso gobolka Gedo.