Jubbaland oo ka hor imatay shirka Dhuusamareeb.

897

Dowlad goboleedka  Jubbaland ayaa war ka soo saartay mowqifkeeda ku aadan shirka Dhuusamareeb 3 oo qarka u saaran inuu burburo ka dib markii Madaxtooyadda Soomaaliya xalay ay shaacisay in uu furmay Shirka.

Jubbaland ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka inay Soomaalida ka caawiso qabsoomida shirkaas oo loo dhan yahay, lagana mira dhaliyo natiijooyinkiisa.

Jubbaland waxaa ay sheegtay in wixii ka dambeeyay Shirkii Dhuusamareeb two Madaxweyne Farmaajo uu qaaday tilaabooyin lagu burburinaayay qodobadii lagu heshiiyey si loo gaaro Shirka Dhuusamareeb Saddex oo lagu mideysan yahay.

In dowladda Soomaaliya ay fursad siisay Al-Shabaab, islamarkaana degmooyinkii ugu Ammaanka badnaa dalka oo ay ka mid tahay degmada Beledxaawo Shalay kaliyah lagu dilay Qarax 13 ruux.

In meesha laga saaray Xukuumaddii hoggaamin laheyd Shirka, islamarkaana aan lasoo Magacaabin Mid cusub.

In si cad Madaxweyne Farmaajo uu ugu xadgudbay Mataalada Aqalka Sare ee ku xusan dastuurka dalka.

Waxaa lagu heshiiyay Shirkii Dhuusamareeb two in Madaxtooyada Soomaaliya faragalinta ka joojiso maamul goboleedyadda gaar ahaan Jubbaland, waana sii xoojisay faragalinta gobolka Gedo.

In la iska indho tiray baahida loo qabo Heshiis Siyaasadeed oo laga gaaro doorashada 2020-2021, taa badalkeed Hay’ad gaar ah looga dambeeyo in lagu xadiday Sida golaha Shacabka.