Mareykanka oo Muwaadiniinta uga digay in ay u Safraan xadka Kenya iyo Soomaaliya

209

Mas’uul sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa digniin u diray waddamada doonaya iney saameyn ku yeeshaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ee sanadkan 2020-ka dhaceyso.

War murtiyeed uu soo saaray agaasimaha Sirdoonka qaranka Mareykanka Willian Evanina wuxuu sheegay waddama shisheeye inay ku howlan yihiin “saameyn iney ku yeeshaan” cod bixinta doorashada.

Waddamadan “iney kala doorbidayaan cidda doorashada ku guuleysaneyso,” ayuu intaa ku daray.

Dowladda Mareykanka ayaa sababta ku sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyiyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19.

“Sababo la xiriira argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.