Duullimaadyada gudaha dalka oo maanta dib u furmaya

64

ku dhawaad boqol cesho oo  ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee civod19 oo yaraatay.

 

Munaasabad kooban oo haatan ka socota gudaha garoonka Adan Cade ayaa lagu maamuusayaa in dib loo furo garoonka iyadoo ay goob Joog ka yihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

 

Dowladda federaalaka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay todobaadkii hore ku sheegtay in laga bilaabo maanta uu bilaabanayo dulimaadyada, iyada oo sida la qorsheeyey dowlad goboleed kasta ay aadeyso hal duulimaad.

 

Arrinta joojinta duulimaadyada ayaa waxaa sabab u ahaa Covid 19, waxaana kala go’ay dalka taasi oo saameyn ku yeelatay dad badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here