Golaha Wakiilada Puntland oo maanta kulan ka leh xeerka Matalaada Gobolka Banaadir.

Golaha Wakiilada Puntland oo maanta kulan ka leh xeerka Matalaada Gobolka Banaadir.

47
0
SHARE

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka socdaKulan Deg deg ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, iyadoo uga hadlaya arrimo kala duwan.

 

Ajendayaasha uga waaweyn ee kulanka Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa kala yihiin dood kulul oo ku aadan xeerka Matelaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Shacabka ansixiyeen iyo Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021.

 

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo ku-xigeenadiisa, isla markaana waxaa goobjoog ka ah inta badan Xildhibaanada Maamulkaas.

 

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa shalay ku dooday in Hannaan qaldan loo maray Ansixinta Xeerka Mataalaadda Gobolka Banaadir oo 13 Senetor Aqalka sare ka siinaya caasimada dalka.

 

Madaxweynihii ee Puntland Sen Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay hanaanka Matalaada Gobolka Banaadir ayaa ku sheegay mid aan sharciga waafaqsanayn sida uu hadalka u dhigay, sidoo Madasha Xisbiyada qaran ku eedeeyay qaabka ay ugu hadleen matalaada gobolka.

LEAVE A REPLY