Xildhibaanada Somaliland Oo Ansixiyay Xubno Ay Horey U Diideen

Xildhibaanada Somaliland Oo Ansixiyay Xubno Ay Horey U Diideen

67
0
SHARE

Kulan ay Maanta Magaalada Hargeysa ku yeesheen xubnaha Golaha Wakiilada Soomaliland aya waxaa ay ku ansixiyeen labada xubnood ee xisbiyada Waddani iyo UCID u soo magacawdeen guddiga Doorashooyinka Somaliland.

 

Labadan Xubnood ayaa horay waxaa u diiday Golaha,waxaana khilaaf ka dhashay uu arrintaasi sameyn ballaaran ku yeeshay Shaqada Xukuumadda Soomaaliland iyo Xisbiyada mucaaradka walow markii dambe laga heshiiyay.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Golaha ka hor Cadeeyay in Xubnahaani ay saxeen wixii hore loogu haystay ee keentay in la diido.ntaas

 

Intaas kadib Xildhibaanada Somaliland ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Labadii xubnood ee Mucaaradka umatalayay Komishanka Doorashooyinka ee UCID iyo Waddani.

 
Maxamuud Siciid Dalmar oo ka socday Xisbiga waddani ayaa waxaa u Codeeyay 51 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid aamusay, iyadoona sidaasna lagu ansixiyay.

 

Sidoo kale Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo isna ka socday Xisbiga UCID ayaa waxaa ogolaadey 49 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday, halka ay ka aamuseen Codeynta saddex Xildhibaan.

 

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa 28-kii bishii Maarso 2020 waxaa ay diideen ansixinta xubnaha ay Xisbiyada Wadanni iyo UCID u soo magacaabeen Doorashooyinka Somaliland, hayeeshee ugu dambeyn Maanta ayay ansixiyeen.

LEAVE A REPLY