Xasan Sheekh oo ka hadlay Hadalkii kasoo yeeray Xaliimo Yareey

Xasan Sheekh oo ka hadlay Hadalkii kasoo yeeray Xaliimo Yareey

65
0
SHARE

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka hadlay Go’aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

 

Xasan Sheekh oo warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo Go’aankii 13-ka kursi Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare,

 

Isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa.

Waxaa uu Xasan Sheekh u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay ugu horreeyaan Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, Mahad Salaad iyo Xildhibaan Carabow, kuwaasi oo door weyn ka qaatay sidii loo ansixin lahaa Mtetelaada Gobolka.

 
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlay hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay ku sheegtay in loo baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto,waxaana uu sheegay in haalkaasi uu yahay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale.

 

Hadalka Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ay kasoo hojeesteen hadalkii Guddoomiye Xaliimo yareey halka kuwo kale ay ka aamusan yihiin.

LEAVE A REPLY