Ganacsato Soomaaliyeed oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

Ganacsato Soomaaliyeed oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

45
0
SHARE

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhawacyo loogu geystay dalka Koonfur Afrika, kadib markii ay saacadihii lasoo dhaafay weerar kala kulmeen burcad u dhalatay dalkaas.

 
Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada East london ee gobolka Eastern Cape ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte. Waxaana marxuumkaas goobtiisa shaqada ku weeraray kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

 
Kooxihii burcada Koonfur Afrikaanka aya weerarradaas ay geysteen kadib isaga baxsaday goobtii ay weerareen, ciidamad Booliiska oo howlgal sameeyey ayaa ku guul dareystay soo qabashada kooxahaasi, inta badan ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay weeraro ka dhan ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadankaasi u ganacsi tagay muddo ka hor.

LEAVE A REPLY