Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan kula wareegay degaano Cusub

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan kula wareegay degaano Cusub

77
0
SHARE

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

 

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah  Janaa-cabdale, Helishid, Mayonde iyop Garascebe oo hoostaga Magaalada Kismaayo, iyadoona Ciidanka ay deegaanadaas kala wareegeen Al-shabaab.

 

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xds ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howl;gallada ay yihiin kuwa sii socda,isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada Jubbooyinka.

 
25-kii Bishaan ayaa Ciidamada Kumaandoosta ee DANAB waxaa ay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana saraakiisha horkaceysay howlgalka ay sheegeen inay la wareegeen Shan tuulo oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY