Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Kulmay Madaxweynayaashii Hore Ee Dalka

107

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Abdirahman ayaa kulan gaar ah ku casuumay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran.
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada qaran Sh. Shariif Sheekh Ahmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankan gaarka ah la yeeshay guddoonka golaha shacabka.

Shirkii Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran u dhexeeyey ayaa goordhow soo gaba gaboobay.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray doorashada Soomaaliya ee lagu waddo in ay dalka ka bilaabato bilaha soo socda.