Wasaarada Xanaanada Xoolaha Jubbaland oo ka hadashay cuduro cusub xoolaha ku dhacaya.

1687

Dadka xoolaha dhaqatada ee ku nool deegaanada hoos imaada gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in xoolaha ay ku arkeen xanuunno ku cusub oo aysan horay u arki jarin xoolaha.

Jeelay Cumar Aadan waxaa ay ka mid tahay dadka ku nool deegaanka Cabdalla Biroole waxaa ay sheegtay in geeleda uu ku dhacay xanuunka Cusub,xanuunkana uu geela kaga dhacaayo luqunta marka uu dhowr maalin buko ee neefka socon waayana uu halkaas ku dhimanaayo.

Agaasimaha waaxda Cafimaadka xoolaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Jubbaland Cismaan Axmed Xassan oo Radio Kismaayo waydisay bal in ka Warqabaan xanuunadan xoolaha ku cusub ayaa sheegay in ay hayaan warbixino badan oo ku aadan xanuunada hadda xoolaha ku nool gobolka Jubbada hoose ku dhacaya,waxayna intaas ku dareen in jirooyinkaan ay ku dhacayaan dhamaan xoolaha kala duwan ee ay dhaqdaan dadka soomalida ah sida Geele,Adhiga iyo lo’da.