Cabsi iyo Kala shaki soo wajahay Maleeyshiyaadka Al-shabaab

Cabsi iyo Kala shaki soo wajahay Maleeyshiyaadka Al-shabaab

233
0
SHARE

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bilowdeen weerarrada qorsheeysan ee ay iska kaashanayaan Mareeykanka iyo ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya, waxa isa soo tarayay saameynta ay weerarradaasi ku reebeen awooddii kooxda Al-shabaab ku lahayd Soomaaliya, gaar ahaan qeybaha ay maamulaan.

Marka laga reebo weerarrada ay fuliyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee garabka ka helaya howlgalka AMISOM kuwaa oo intooda badan ka dhaca furimaha ay isku horfadhiyaan ciidamada iyo kooxda Shabaab ma jirin cabsi amni oo ay kooxdaasi la kulmeeysay gaar ahaan nmagaalooyinka iyo tuulooyinka ay maamulaan.

Hadaba wixii ka danbeeyay markii ay bilowdeen weerarrada qorsheeysan ee isugu jira duqeymaha iyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha kooxda ee laga fuliyo magaalooyinka ay ku xoogganyihiin waxa ay cabsi iyo qal-qal soo wajahday hogjoogayaasha kooxda iyo maleeyshiyaadka u dagaalama.

Maxay yihiin dhibaatooyinka ay kooxda Al-shabaab kala kulmeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Danab?

Mid kamid ah dadka ku nool deegaannada Gosha ee gobolka J/hoose oo inoo waramay isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo amni awgeed ayaa sheegay in Maleeyshiyaadka Al-shabaab ay ku jiraan xaaladdii ugu adkayd ee abid soo marta.

“Cabsi weyn ayaa lasoo darastay, waxay ka baqaan weerarrada cirka ah, hadda waxay bilaabeen in ay tuutaha dhigaan, waxyaalaha ugu daran ee aan aragnay waxay tahay in qoryihii ay garbaha suran jireen in ay hadda ku qariyaan Jawaanno ay u tosheen,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Maleeyshiyaadkan oo caan ku ahaa cabsi gelinta dadka iyo dhoolatus joogto ah oo ay ka sameyn jireen magaalooyinka ay ka taliyaan ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa in ay adagtahay in la arko ayaga oo koox koox isula socda, taasoo ka danbeeysay kadib weerarrada joogtada ah ee dhanka cirka ee ay kala kulmaan ciidamada Danab iyo kuwa Mareeykanka ee iskaashanaya.

“Waxyaalaha ugu daran waxa waaye in hadda ayaga dhaxdooda ay bilaabeen in ay kala shakiyaan, waxaa dhacday in duqeeymo looga dilay madax badan, hadda waxay bilaabeen in ay xir-xiraan, qaarkoodna dilaan rag iyaga ka tirsanaa oo ay uga shakiyeen in ay jaajuusiin yihiin,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo inoo waramay.

Sida lagu shaaciyay war saxaafadeed kasoo baxay howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya, laga soo bilaabo 1 Febraayo, 2019 ilaa 31 Maarso 2020 howlgalka AFRICOM ayaa fuliyay 91 weerar oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Taliyaha ururka Danab qeybta Jubbaland Gaashaanle Xasan Ciraaqi oo aan arrimahaasi ka wareeysannay ayaa inoo sheegay in kadib markii ay bateen duqeymaha hawada iyo weerarrada qarsoon ee ay iska  kaashanayaan ciidanka xoogga dalka, kuwa dowalad goboleedyada iyo kooxda Al-shabaab awoodoodii wiiqantay oo ay hadda ku jiraan marxaladdii ugu adkayd.

“Markii ay ku badatay duqeynta hawada iyo weerarrada qarsoon ee lagu bartilmaamedsanayo goobaha ay ku dhuumanayaan, markii la beegsaday madaxdoodii iyo goobihii lagu waardiyaynayay ayaa waxaa dhacday in nimankaasi kala shakiyaan, dareeskii ay wateenna dhigaan ayagoo ka baqaya diyaaradaha wax duqeeya,” ayuu hadalksii raaciyay.

Taliyaha Ururka Danab qeybta Jubbaland
Taliyaha ayaa intaa ku daray in Al-shabaab ay lumisay taageeradii ay ku lahaayeen shacabka dhexdiisa, isagoo intaa ku daray in weerarradii ay fulin jireen iyo qaraxyadii ay shacabka ku dhibaateeyn jireen, gaar ahaan bisha barakeeysan ee Ramadaan lagu guuleystay in laga hortago.
“Dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe si adag baa loola dagaalamayaa culeys badan ayaa la saaray, Jubbaland iyo SNA oo iskaashanaya deegaannada Jubbaland oo qura weerarro fara badan ayaa lagu hayaa,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu xusay in goobihii ay kusoo maleegi jireen qaraxyada inta badan lala beegsado duqeymo, oo dhanka hawada lagala socdo dhaqdhaqaaqyadooda.
Inkastoo weerarradan ay saameeyeen kooxda Al-shabaab hadana waxaa jira eedeeymo loo jeedinayo howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya, kuwaa oo ku aadan in ay jiraan khasaarooyin weerarradaasi kasoo gaaray dadka rayidka ah.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in howlgalka Africom weerarro uu ka fuliyay Soomaaliya lagu waxyeeleeyay dad rayid ah.

Taliska AFRICOM ayaa qirtay in duqeyn ay fuliyeen 23-ka bisha Maarso ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah, basle waxa ay meesha ka saareen in howlgalladooda aysan ahayn kuwo lagu bartilmaameedsado shacabka balse ay yihiin kuwo la doonayo in lagu caawiyo dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM, islamarkaana lagu wiiqayo awoodda Al-shabaab si dalka loogu soo celiyo nabad iyo horumar.

LEAVE A REPLY