Ururka Midowga Yurub oo lacag fara badan ugu deeqay Soomaaliya iyo wadamo kale

158

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dalal ay ku jirto Soomaaliya uu ugu deeqayo lacag ay kula dagaalamaan cudurka dunida ku wada faafay ee Coronavirus, waxayna lacagtaasi gaareysaa € 105.5 milyan.

Qoraal kasoo baxay ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya la siinayo lacagtaas si ay ugu adeegsadaan arrimaha bani’aadanimada ee gobolka Geeska Afrika, si gaar ah xanuunka safmarka ah ee COVID-19, sida lagu sheegay qoraalka.
Soomaaliya oo haatan fara ba’an ku haya Covid-19 ayaa waxaa u sii dheer fatahaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameeyey nolosha dad badan oo Soomaaliyeed