Taliyihii Booliska Dhuusamareeb Oo Is Casilay Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

82

Taliyihii Ciidanka Booliiska ee Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay Booliska Galmudug.

 

Dhamme Burhaan Axmed oo ah Taliyaha is Casilay ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay sababta keentay inuu xiligaan xilka Casilo, sidoo kalena fariin baaq ah.

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragelin cad lagu sameeyay shaqadiisa, isla markaana dad lagu eedeyey Shabaabnimo oo ku xirnaa saldhigga Dhuusamareeb oo baaritaano ku socdaan laba jeer laga fakiyey.

 

Waxaa xabsiga laga daayay laba ruux oo yimid Caasimadda Galmudug lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay, sidoo kalena Nin loo xiray tuhun shabaab oo isna xabsiga laga sii daayay, loona gudbiyay Magaalada Cadaadoā€¯ ayuu yiri taliye Burhaan.

 
Taliye Burhaan ayaa arintaas faro gelinta ah ku tilmaamay mida keentay in uu xilkaan iska casilo, isagoo madaxda ka sareysa ee booliska Soomaaliya ka dalbaday in xilkan loo soo magacaabo sarkaal kale.