Mascuud Ozil oo Soomaaliya ugu deeqay deeq Gargaar ah

Mascuud Ozil oo Soomaaliya ugu deeqay deeq Gargaar ah

146
0
SHARE

ka bixiyay lacag dhan £80,000 oo yuuro si lagu taageero qoysaska aan awoodin afurka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Lacagtaan waxaa si toos ah ay ugu dhacday sanduuqa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo uu asal ahaan dalkaas kasoo jeedo, waxaana loo qorsheeyay dalalka dhibaatooyinka kasoo kabanaya iyo kuwa ku jira in dadkooda dantayar la siiyo.

Laacibkan ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.
Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan.

Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan.

LEAVE A REPLY