Deni oo xil ka qaadis ku sameeyay masuul ka tirsanaa wasaarada Caafimaadka Puntland

141

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreeto uu soo saaray xilkii kaga qaaday Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland Maxamuud Axmed Saalax Caato.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa xilka Agaasimaha Cusub ee waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka u Magacaabay inuu noqdo Maxamed Xuseen Maxamed (La-xabaal), isagoo bedelaya Mas’uulkii hore ee Maxamuud Axmed Saalax.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sanadkii 2018 Maxamuud Axmed u Magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland.