Goodax oo walaac ka muujiyay xiisadda ganacsi ee Puntland iyo Gobolka Hiiraan

Goodax oo walaac ka muujiyay xiisadda ganacsi ee Puntland iyo Gobolka Hiiraan

112
0
SHARE

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Gaadax Barre ayaa waxaa uu ka hadlay xiisada dhaqaale ee u dhexeeysa Puntland iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay Wasiir Goodax Barre inuu aad uga walaacsan yahay xiisada dhinaca Ganacsiga ee dhaqaale didirka ee soo kala dhex-gashay Puntland iyo Maamulka Hiiraan, taasi oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Saciid Deni.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobolada ku yaalla Bartamaha Soomaaliya oo raashinka qutul daruuriga uga yimaada dhanka Dekeda Boosaaso, waxaana hadalka Madaxweyne Deni si weyn uga soo horjeestay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan

LEAVE A REPLY