Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Raadintii Ay Ugu Jirtay Daafac Ka...

Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Raadintii Ay Ugu Jirtay Daafac Ka Ciyaara Garabka Bidix, Maxaa Cusub.

87
0
SHARE

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay joojisay raadintii ay ku doonaysay daafac ka ciyaara garabka bidix ah sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa in uu ku faraxsanyahay dookhyada xiddigaha uu haatan kooxda ku haysto ee ka ciyaara daafaca Bidix.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay xagaaga si xoogan u gasho si ay ugu tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe waxana la filayay in ay la soo saxiixato badalka daafaca Luke Shaw.

Advertisement

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ku faraxsan yahay in uu soo dalacsiiyo xiddiga Brandon Williams kaas oo uu ka dhigi doono dookhiisa 1-aad ee xilli ciyaareedka dambe.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Man United Brandon Williams oo 19 jir ah ayaa saftay 19 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY