Wasaarada Kaluumaysiga Jubbaland oo doomo ku wareejisay barakacayaasha Kismaayo.

465

Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Jubbaland ayaa maanta ilaa toban doomaha kaluumaysiga ah ku wareejiyey qaar ka mida dadka barakacayaasha degmada Kismaayo iyo kaluumaystada dan-yarta ah ee aan awoodin in ay doomo hellaan.

Munaasabada maanta ay wasaarada Kaluumaysiga Jubbaland ay ku qaybinaysay doomaha ayaa waxaa goob jog ka ahaa wasiirka wasaarada  ganacsiga iyo warshadaha Cabdinuur Cali Aadan,Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayradka badda Ibraahim Xassan Baajuun iyo Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Maxamed Ibraahim yuusuf (Timo-Jilic)

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Ibraahim Xassan Baajuun oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada doomaha la siiyey looga baahan yahay in siwanaagsan uga faa’iidaystaan oo ay ku shaqaystaan.

Doomaha maanta lagu wareejiyey dadka barakacayaasha iyo qaar ka midda kaluumaysatada deegaanka ayaa waxaa wasaarada ka saaciday hay’adda Beeraha FOA oo maalgalin ka hellaysa hay’adda dalka UK(UK-AID).

SHARE
Previous articleDhagayso:Warka Subax.
Next articleDhagayso:Warka Duhur.