Dad loo qabtey Taliye lagu diley Magaalada laas-Caanood

137

Rag hubeysan ayaa Dhanka Koonfureed ee Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa ay ku dileen Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Soomaaliland ee gobolka Sool Cabdiqani Guhaad ,kuwaas oo dilka kadib Goobta ka baxsadey.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in xilliga la dilayey Taliyaha uu kasoo baxay Salaadii Cisha,isla markaana uu ku sugnaa Gurigiisa hortiisa,waxaana Booliska Magaaladaas ay sheegeen in dilka taliyaha dad loo qabtey.

Ciidamada ammaanka oo goobta tagay waxa ay sameeyeen baaritaano ay kusoo qabteen dad ku dhaw toban ruux oo saddex kamid ah ay ka shakisan yihiin ku lug lahaanshiyaha dilka taliye Axmed.

Taliyahaan waxa uu gacanta ku hayay kiis la xiriira dil loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland Xasan Sheekh Maxamuud oo 2-dii bishaan ku dhintay qarax loogu dhajiyay gaarigiisa.

Si kastaba Dhawaan ayay aheyd markii qarax Gaarigiisa loogu xirey lagu diley Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana la sheegay in amniga magaaladaas uu araha ka baxay bilihii ugu dambeeyey.