Ciidamada Dowladda oo Miino baaris kawada Janaale,

134

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo miina baaris ah.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay xalay ilaa saaka howlgallo mino baaris ah ka wadaan Xaafadaha deegaanka Janaale & duleedka deegaankaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay goobaha qaar ku Aaseen miinooyin,isla markaana ay soo saareen qaarkoodna ay qarxiyeen,iyada oo aan cidna wax ku noqon.

Janaale waqti dheer waxaa maamulayay Al-Shabaab oo si iskood ah isaga baxay habeen kahor, waxaana ciidamada Dowladda ay gudaha galeen shalay gelinkii dambe sida ay xaqiijiyeen dadka deegaan