Laamaha Ammaanka oo baadi-goob ku haaya dad dilal geystay

132

Saraakiisha ammaanka Magalaada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa baadi-goobaya maleeshiyaad hubeysan oo dil u geystay dad rayid ah, waxaana falkaan uu ka dhacay inta u dhaxeysa Burdhiile iyo Kabxaanley.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan maleeshiyaadka dhimashada iyo dhaawaca u geystay dadka shacabka ah ee ku sugnaa duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Taliyaha saldhiga Booliska degmada Beledweyne Muuse Salaad Weheliye iyo saraakiil kale oo Ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegen inay baadi goob ku hayaan dadkii ka dambeeyey dilka dadka Shacabka ah,isla markaana ay cadaaladda horkeeni doonaan.

Warar Kala duwan ayaa ka soo baxayo qaabka u dilkan u dhacay ,waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in ay salka ku haayso aano qabiil,iyada oo horey dilal kala duwan ay uga dhaceen deegaankaas.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan waxa ay sheegeen in ay xal u raadinayaan dilalka aanooyinka qabiilka salka ku haya ee ka dhaca deegaanada Gobolkaas, iyada oo dhowr jeer ay kawada xaajoodeen.