Bruno Fernandes Oo Man United U Dhigay Rikoodh Aan Horay Loo Arag.

Bruno Fernandes Oo Man United U Dhigay Rikoodh Aan Horay Loo Arag.

149
0
SHARE

Xiddiga kooxda Man United ee Burno Fernandes aaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Man United kulankii ay Red Devils garaacday kooxda Watford kana tirsanaa todobaadkii 27-aad ee horyaalka Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa Man United kaga soo biiray Sporting Lisbon suuqii January ee bishii la soo dhaafay.

kooxda Man United ayaa daqiiqadii 42-aad heshay rikoodhe kadib markii uu Goolhayaha Watford khalad ku galay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo gool u badalay rikoodhadaas.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernades ayaana si qurux badan u dhaliyay goolka isaga oo sidaas ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Man United.

Kadib goolkaas Xiddiga Bruno Fernandes ayaa noqday xddigii ugu horeeyay ee Man United ah ee Goolkiisii ugu horeeyay premier League ka dhaliya Rikoodhe.

LEAVE A REPLY