Madaxweynaha Jubbaland oo ku wajahan Magaalada Dhoobleey

379

Magaalada Dhoobley waxaa ka soconaya soo dhawaynta Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Dhoobley iyo Afmadow lagu waddo in uu gaadho.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa halkaas inta uu Joogo waxaa uu kulamo kala duwan la qadaan doona Maamulka Dhoobley iyo Saraakiisha Amniga.

Gudoomiyaha Dhoobley Siyaad Maxamed  Xassan ayaa Radio-Kismaayo siiyey Waraysisiiyey ayaa sheegay in maamulka iyo dadwaynaha-ba ay siwayn ugu diyaar garooben imaan-shaha  Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

“Ciidanka Amniga iyo Bulshadaba waxaan diyaar u nahay soo dhawaynta madaxwaynaha Jubbaland,waana markii ugu horaysay ee uu imaado Dhoobley Doorashadiisa Labaad kadib  ”sidaa waxaa Radio Kismaayo u sheegay Gudoomiyaha Dhoobley.