Ciidamada dowlada oo soo bandhigay sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab

1030

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxaa ay soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kaas oo ay sheegeen in uu isku soo dhiibay.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Colaad Cabdiraxmaan Xerow ayaa Saraakisiha Ciidamada Dowladda waxaa ay kusoo bandhigen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,waxaana ay sheegeen in muddo 11 Sano ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Colaad Cabdiraxmaan Xirow oo ah sarkaalka la soo bandhigay ayaa muddo 11 sano ah kamid ahaa dagaalamayaasha Alshabaab.

Colaad Cabdiraxmaan Xerow Dagaalamahan isa soo dhiibay ayaa sheegay inuu ahaa darawal uuna la soo xiriiray saraakiisha ciidamada dowlada sidaasna uu ku yimid magaalada Xudur.
Magaalada Xudur ayaa kamid ah deegaano badan oo ay ururka Al-Shabaab go’odoomiyeen mana aha markii ugu horeysay ee sarkaal ka tirsan Al-Shababa uu isu soo dhiibo maamulka Koofurgalbeed.