Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland oo daah-furtay shirka ka shaqaysa Suuqyada sarifka ee Online-ka

1145

Shirkada Caawiye oo ka mid ah Shirkadaha ka shaqeeya adeega sarifka lacagaha qalaad kuna shaqeeya habka onlineka oo magaaladani kismayo ku qabatay xaflada ay ku daah fureyso xafiiskeeda kismayo ayaa waxaa ka soo qeeb galay masuulyiin ka socday dowlada goboledka jubbaland ururada bulshada iyo marti sharaf kale

Ugu horeen waxaa ka hadlay koobta cabdirisaaq muuse aadan oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada caawiye waxa uuna ka hadlay qaabka ay ku shaqeyso shirkada iyo sida lagu aamini karo shaqadeeda.

Cabdisamada nuur maxamed oo ka socday ururka dhalin-yarada barwaaqo oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay furitaanka xafiiska shirka caawiye ayaa waxa uu sheekay in ka dhalin yarada ahaan ay soo dhaweenayaan howsha shirkada ay ka qabaneyso magaalada.

Wasiirka wasarada ganacsiga dowlada goboleedka jubbaland cabdinuur oo xarig jaray  xafiiska waxaa uu  masuuliyiinta shirka in ay la yimaadaan waxa ay ku aamini karaan bulshada.

Shirkadaha ku shaqeeya habka onlineka ee sarifka lacagaha qalaad oo ku soo badanaayo dalka ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay isticmaalkooda culimada diinta ku xeel dheer