Ciidamadda Jubbaland oo khasaare gaadhsiiyey kooxda Al-shabab.

879

 

Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Kooxda Argagixisada  Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmadda jamaame  halkaas oo kooxa argagixisada ku lahaayeen Saldhigyo kala duwan .

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda Shabaab loo gaystay dhimasho iyo dhaawac intaba balse wali lama xaqiijin tiradda ay yihiin maadama howlgalka uu goordhawayd soo dhamaaday.