Musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta jeedinaya qudbadahooda

Musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta jeedinaya qudbadahooda

52
0
SHARE

aanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xildhibaannada Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya 7 Xubnood ayaa shalay isdiiwaangeliyey,iyaga oo sidoo kale gudbiyey taariikh nololeedkooda.

Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo llaa hadda isu sharraxeen xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta qudbadahooda jeedin doona,waxaa kaloo iyaguna Qudbadahooda jeedin doona Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenka 1 aad iyo 2 aad, waxaana u taagan Xubno taageero ka kala helaya Dowlada faderaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca.

Maalinta Berrito ah oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug,waxaana aad loo adkeeyey amniga Magaalada

LEAVE A REPLY