Murasharax Weheliye oo iska casilay xilka Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha

157

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Faarax Wehliye ayaa xalay kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb inuu iska casilay xilkaas, kaddib markii uu isku sharaxay xilka Madaxweynaha Galmudug.

C/llaahi Faarax Wehliye ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Kheyre mudadii 3-da sano ee ay soo wada shaqeeyeen, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu go’aansaday inuu xilkaas iska casilay

Sababta uu isku casilay Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayuu Ku sheegay in ay tahay sidii uu kaga qeyb gali lahaa doorashada dowlad goboleedka maamulka Galmudug.

Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore Xukuumada Soomaaliya ugu eedeeyay in ay fara gelin toos ah ku heyso dhismaha Galmudug, iyadoo awoodeeda isugu geyneysa sidii ay halkaasi uga keeni leheyd natiijo ka qoslisa.
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here