Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo ka hadlay xiisadda ka taagan gobolka Gedo

154

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland oo Wareeysi gaar ah siiyay idaacadda codka Jubbaland ayaa uga hadlay arrimo ku saabsan xaaladda guud ee gobolka Gedo, Abaabullo ka dhan ah Jubbaland oo dowladda Federaalka ah uu sheegay in ay ka wado gobolka Gedo iyo dadaallo ay dowlad goboleedka Jubbaland ka wado gobolkaasi oo lagu xoojinayo nidaamka Dowling ah ee Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in Jubbaland ay u madax bannaantahay arrimaheeda gudaha, islamarkaana dastuurka federaalka ah uu awood u siinayo, waxa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka ah in gobolka ka wado iska horkeen dadka walaalkaa ah ee wada dega gobolkaasi.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ah ku mashquulsantahay burburinta maamulladii hore u dhisnaa waqtigana uu kaga dhamaaday arrimahaasi.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa ugu baaqay bulsha weynta reer Jubbaland in ay u midoobaan wax walba oo carqalad ku keeni kara maamulka iyo Nabadgelyada ay heystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here