Madaxweynaha Jubaland Oo Gaaray Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Jubaland Oo Gaaray Magaalada Boosaaso

46
0
SHARE

madaxweynaha dowlad goboleedka jubaland mudane axmed maxamed islaam ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga puntland.

madaxweyne axmed maxamed islaam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada boosaaso kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka puntland mudane dr saciid cabdullaahi denni oo mudooyinkii dambe halkaasi hawlo shaqo ujoogay.

Madaxweyne axmed maxamed islaam waxaa safarkiisa magaaalada boosaaso ku wehliya qaar kamid ah labada gole ee jubaland sida wasiir arimaha gudaha jubaland iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada jubaland

labada madaxweyne ayaa waxa ay kullamo kala duwan ku qaadan doona madaxtooyada magaalada boosaaso waxaana intabadan kullamadooda ay diirada kusaari doonaan arimo badan oo ay kamid yihiin khilaafka dowlad soomaaliya iyo dowlad goboleedyada jubaland iyo puntaland. sidoo kale labada madaxweyne ay kullankooda kaga arinsan doonaan arimaha doorashada 2021 waxaana kullamadooda kadib ay si wadajir ah labada madaxweyne ula hadli doonaan warbaahinta

waa markii ugu horaysay tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne axmed maxamed islaam uu safar shaqo ku tago magaalada maadxda ganacsiga ee boosaaso.

Cabdi-majiid cabaas aadan fantastic

LEAVE A REPLY