Jubbaland oo war saxaafadeed ka soo saartay faragalinta dowlada federaalka ku hayso...

Jubbaland oo war saxaafadeed ka soo saartay faragalinta dowlada federaalka ku hayso Gedo

13
0
SHARE

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Gobolka Gedo iyo Guud ahaan Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxwayne Ku Xigeenka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin ku wada Gobolka Gedo, isla markaana ay ku howlan tahay abaabul dagaal sokeeye oo ka dhex dhaca shacabka deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ay tacadiyo is xig-xigay kula kacday Shacabka Jubbaland, kuwaasi oo ay tilmaamtay in ay dhamaantood baalmarsan yihiin Dastuurta dalka ku yaalla iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY