Dhageeyso;Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleydka jubaland ayaa manta magacawday...

Dhageeyso;Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleydka jubaland ayaa manta magacawday gudiga qabanqaabada dorashada gudoomiyaha dhalinyarada ee jubaland

38
0
SHARE

Warqad uu ku saxiixnaa wasiir kuxigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleydka jubbaland abdiqaadir maxamed faarax oo ay ku xusnaayeen gudiga manta la magacaabay ayaa waxa saxaafadda ka hor akhriyey agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha ee jubbaland abdiraxmaan abdi ahmed

Gudigaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa soo xushay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee jubbaland

Waxaana ugu horeen warbaahinta la hadlay agaasimaha guud ee wasaarada abdiraxmaa abdi ahmed isagoona sheegay ujeedada loo soo xulay gudigan inay tahay in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah

Dhanka kale gudomiyaha gudiga qaban qaabada dorashada gudomayaha dhalinyarada abdi jabaar maxamed jaamac ayaaisna halkaasi ha hadlay wuxuu sheegay inay bilaabayaan qorshe ay kusoos aarayaan qof xilkaasi u qalmo ayna samen doonaan dorasha xoriyo xalaal ah

Ugudambeytii wasiir kuxigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee jubbaland abdiqaadir maxamed faarax ayaa la dardaarmay gudigaan cusub inay ka fogaadaan musuqmaasuq iyo nin jecleysi

Si  kastaba gudigaan cusub ayaalooga fadhiyaai nayqabtaan doorasho xor iyoxalaal ah oo lagu qanacsan yahay oo uu yeesho hogaanka dhalinyarada jubbalnd

LEAVE A REPLY