Maleeyshiyaad kasoo goostay Kooxda Al-shabaab oo isu dhiibay ciidanka Jubbaland

957

Maleeshiyaad ka soo goostay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Jubbaland ee ka howlgala gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada nabad sugida Jubbland ayaa laba nin oo ka soo goosatay Shabaab ku soo bandhigay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen ciidamada ka hor inta aysan ka soo goosan kooxda.

Labadan nin ee lagu soo bandhigay Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in sanado badan ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab ayna hadda go’aansadeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen intii ay ka mid ahaayeen kooxda Al Shabaab.