Horudhac: Real Madrid vs Atlético Madrid… (Wax waliba oo aad uga baahan...

Horudhac: Real Madrid vs Atlético Madrid… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay Final-ka Spanish Super Cup)

28
0
SHARE

Garoonka King Abdullah Sports City ayaa marti galin doona kulanka xiisaha leh ee dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid Supercopa final.

Labada Kooxood ayaa isha ku haya in ay ku guulaystaan tartanka Supercopa qaybtiisa cusub kadib markii ay si qurux badan isaga soo xaadiriyeen Finalka

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka King Abdullah Sports City Magaalada Jeddah, ee dalka Saudi Arabia, kooxdii adkaata ayaana Koobka la hoyan doonta.

Kooxda Tababare Zinedine Zidane ayaa final-ka tartankan iska xaadirisay kaddib markii ay 3-1 uga adkaatay Valencia, halka Atletico ay soo reebtay Barcelona kaddib markii ay uga soo badisay 3-2

Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa guul la yaab leh ka gaadhay kooxda Barcelona iyaga oo 6-dii daqiiqo ee ugu dambeeyay ka badiyay.

Kulanka: Real Madrid Vs Atletico Madrid

Tartanka: Supercopa final

Wakhtiga: 9:00

LEAVE A REPLY