Horudhac: Tottenham Hotspur vs Liverpool… (Miyuu Jose Mourinho soo gabagabayn doonaa guuldarro la’aanta Reds?)

1385

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayaa dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Liverpool kulan ka tirsan todobaadkii 22-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa caawa oo Sabti ah waxa ay booqanaysaa naadiga Tottenham Hotspur, iyagoo raadinaya heerkoodii ku bilaabasho ee ugu fiicnaa muddo 131 sanadood ah taariikhda kubadda cagta Ingiriiska.

Guushii 20-aad ee ay ka gaaraan kulankoodii 21-aad ee xilli ciyaareedkan ayay xaqiijisan doontaa si cajiibka ah, laakiin waxa ay ka horimaanayaan kooxda uu hoggaaminayo macallin Jose Mourinho, kuwasoo ku dhaawacay Liverpool wax ka badan hal jeer waqtiyadii la soo dhaafay.

Hoggaamiyaha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaana doonaya inuu soo gabagabeeyey guuldarro la’aan kooxda Liverpool, marka uu garoonka kooxdiisa ku qaabilo caawa.

Kulanka: Tottenham Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30 Habeenimo

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

XAQIIQOOYINK KULANKA:

Tottenham ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay preemier League kaas oo ahaa kulankii ay 4/1 Ku garaacday Reds October 2017.

Kadib markii ay 5 guuldaro oo xidhiidh ah kala kulantay Tottenham marka ay garoonkeeda joogto intii u dhexaysay 2008 ilaa 2012 Liverpool ayaa kaliya hal guuldaro kala kulantay Tottenham 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Spurs.

Tottenham ayaa badisay kaliya 6 kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League marti galiso kooxda maalintaas ku bilaabanaysa kaalinta 1-aad iyaga oo labadii kulan ee ugu dambeeyay guuldarooyin kala kulmay Man City iyo Liverpool.

Liverpool ayaa guuldaro la’aan ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay London iyaga oo xidhiidh u badiyay 3-dii kulan eee ugu dambeeyay laakiin Reds ayaan 4 kulan oo xidhiidh ah ku badin London tan ilaa October 1989.