Sadio Mane Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Qaarada Africa 2019

Sadio Mane Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Qaarada Africa 2019

52
0
SHARE

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa loo magacaabay xiddiga ugu fiican qaarada Africa sanadka 2019 kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay sanadkii dhamaaday.

Sadio Mané iyo Maxamed Saalax ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay kooxda Liverpool, waxayna ku hoggaamiyeen Reds hanashada tartanka UEFA Champions League, halka Riyad Mahrez uu la qaaday xulkiisa qaranka Algeria koobka Qaradamada Qaarada Afrika, wuxuuna sidoo kale kula guuleystay kooxdiisa Man City koobka horyaalka Premier League.

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa sidoo kale xulka qarankiisa Senegal la gaadhay Finalka koobka qaarada Africa

Sadio Mane ayaa abaalmarinta Xiddiga ugu fiican Africa ku garaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah & Xiddiga Kooxda Man City ee Riyad Mahrez.

Sadio Mane ayaa ciyaaray 63 kulan sanadkii 2019 waxana uu dhaliyay 35 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 11 kale tartamada oo dhan

LEAVE A REPLY