Xaalado Caafimaad darro iyo dawo la’aan laga soo sheegayo deegaanka Raaskaambooni

Xaalado Caafimaad darro iyo dawo la’aan laga soo sheegayo deegaanka Raaskaambooni

51
0
SHARE
Gudoomiyaha deegaanka Raaskaambooni C/laahi Diiriye oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa sheegay in deegaanka ay ka jiraan xaalado caafimaad oo halis ah.
 
Waxa uu xusay in goob caafimaad oo ku taallay deegaanka ay soo wajahday dawo la’aan, isagoo sheegay in muddo 9 bilood ah aysan xaruntaasi qaban inta badan adeegyadii caafimaad ee ay siin jirtay bulshada deegaanka.
 
Dhinaca kale, Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudooyinkii u danbeeyay xoolaha, gaar ahaan adhiga ay u le’anayaan xanuunno aan la aqoon.
 
Wasaaradaha caafimaadka iyo xanaanadaha xoolaha ayuu ka codsaday in ay si deg-deg ah arrintan wax uga qabtaa, isagoo xusay in la galay xilli roobaadkiii cabsi badanna ay ka jirto in xanuunno badan dilaacaan.

LEAVE A REPLY