Dhageyso: Barnaamijka Nabada iyo Dhalinyarada Oo Looga Hadlaayo Doorka Dhalinyarada Wax baratay...

Dhageyso: Barnaamijka Nabada iyo Dhalinyarada Oo Looga Hadlaayo Doorka Dhalinyarada Wax baratay ay ka qaadan karaan la dagaalanka jahliga.

14
0
SHARE

Barnaamijkaan Nabada iyo Dhalinyarada Oo Ah Todobaadle Ayaa Galabta Waxaa Marti Ku Ahaa Cabdiraxiin Heybe Killas iyo Nuuradiin Cabdullahi Cabdinaasir. Oo ah Dhalinyaro Wax baratay.

Qodobka Barnaamijka Looga Hadlayay Ayaa Waxa Uu Ahaa Doorka Dhalinyarada Wax baratay ay ka qaadan karaan la Dagaalanka Jahliga.

Ugu Horeyn Nuuradiin Cabdullahi Cabdinaasir Oo Fikirkiisa Ka Dhiibanayay Qodobka Dooda Ayaa Yiri ‘Waa Su’aal Muhiim ah in la is Weydiiyo Dhalinyarada Waxbaratay Doorka ay ka qaadan karaan la Dgaalanka Jahliga Maxaa Yeelay Waxaan Ognahay Jahliga in uu yahay ragaadinta Dib udhigay Dalkeena Ama Caqabada Hortaagan Oo Dadka Dalka Qaribaya Waa Da’daan Wax Soo Baran Haday Soo Barteena aana Usoo Baran Sidii loogu talagalay in wax loo barto’

Waxa Uu intaas Hadalkiisa Kusii Daray Nuuradiin Dhalinyarada Waxbaratay in laga rabo marka hore in ay ayaga ka muuqato waxa ay barteen Waxa uu Carabka Ku Dhuftay aqoontu in aysan aheen mida qofka jirkiisa ku jirta ee ay tahay mida qofka ka muuqata.

Sido Kale Cabdiraxiin Heybe Killas Ayaa Dhankiisa Yiri ‘Saan ognahay dhalinto waxa ay iskugu jiraan kuwa wax bartay iyo kuwa aan baran marka dhalinta wax baratay waxaan ugu baaqayaa in marka hore ay ka bilabaan saaxiibadooda aan wax baran oo ay ku wacyi galiyaan in ay waxbartaan’

Ifraax Cusmaan Oo Kamida Dhageystayaasha Kasoo Qeyb qatay Barnaamijka Dhanka Telefoonka Ayaa Sheegtay in Qof waxbartay iyo midaan wax baran aysan isku mid aheen midka wax bartay uu yahay midka hormar ka sameyn kara noloshiisa iyo walibo mida waalidkiisa Door weyn ayeey ka qaadan karaan ayeey tiri ladagaalanka Jahliga.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran.

LEAVE A REPLY