Wasaaradda Cadaaladda xukuumada Soomaaliya oo qabatay kulan loga Hadlayay arimaha xabsiyada

Wasaaradda Cadaaladda xukuumada Soomaaliya oo qabatay kulan loga Hadlayay arimaha xabsiyada

13
0
SHARE

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caddaaladda shir wada-tashi ah oo looga hadlay arrimaha Xabsiyada dalka, Shirka ayaa waxaa shir-gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Abuukaate Xassan Xuseen Xaaji.

kulanka oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda KGS Mudane Maxamed Xuseen Xassan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guuto Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa waxaa looga wadda hadlay xabsiyadda laga hirgalinayo maamul gobaleedyada koonfur galbeed iyo Galmudug

Shirkaan ayaa  dabajoogay shirar badan oo wada tashi ah oo horey looga hadlaayey arimahaha xabsiyada, waxaa maanta wadatashiga ka soo baxay in labillaabo dhismaha xabsiyadaas kuwaas oo loo kala qaadaayo dhowr wajiyo si loo dhameestiro dhismaha xabsiyadaas

LEAVE A REPLY