Dhageyso: Sida Dhalinyarada Ay Ooga Faa’iideysan Karaan Baraha Bulshada

1017

Barnamijka Nabada iyo Dhalinyarada Waxaa Looga Hadlayay Sidee Dhalinyarada ay ooga Faa’iideysan Karaan Baraha Bulshada Gaar Ahaan Dhinacyada is-dhexgalka bulshada iyo Dhismaha Nabada.

Barnaamijka Waxaa Marti Ku Ahaa Cabdinaasir Cabdullahi Axmed iyo Nuuradiin Cabdullahi Oo Labadooddaba Ka Mid ah Dhalinyarada Wax Kabarta Jaamacadaha Ku Yaala Magalada Kismaayo.

Cabdinaasir Ayaa Sheegay Baraha Bulshada Ama Social Media in Uu Yahay Qeyb Kamida Saxaafada Saxaafaduna ay tahay Seef Labo Af-leh Oo Qofba Sida Uu Rabo Uu U isticmaalo Baraha Bulshada waxa uu sheegay in ay tahay sidaa si lamida

Qof walbo oo isticmaalaya Baraha Bulshada ayuu Cabdinaasir Sheegay in looga Baahanyhay in marka hore uu fahmo fariinta uu diraayo saameynta ay bulshada ku leedahay mar walbana oo share gareeyo waxa bulshada u wanagsan.

Dhanka Kale Nuuradiin Cabdullahi Ayaa Sheegay dhalinyarada in ay yihiin Hub Dhalinyarada oo Hagaagtaana ay tahay dalka iyo Dadka Oo Hagaaga.

Sido kale Nuuradiin ayaa sheegay dhalinyarada in Loo Adeegsado Hadba Meesha La rabo Taasna ay tahay in marka hore ay fahmaan wax dalkooda u wanagsan iyo waxa aan u wanagsaneyn.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran