Barnaamijka Nabadda iyo Dhalinyarada: Sidee ay dhalinta uga faa’ideysan kartaa Baraha Bulshada

985

Barnaamijka oo todobaadkan looga doodayay sida ay dhalinyarada uga faa’iideeysan karaan baraha bulsahda ayaa waxaa marti ku ahaa laba kamid ah dhalinyarada wax ka barta Jaamacadaha Kismaayo islamarkaana kamid ah dhalinta aadka u isticmaasha baraha bulshada, kuwaasoo kala ah C/naasir C/laahi Axmed iyo Nuuradiin C/laahi C/naasir.

Barnaamijka ayaa intuu uu socday waxaa laga doodayay saameynta wanaagsan iyo midda xun ee ay baraha bulshada ku leeyihiin dhalinyarada, gaar ahaan sida ay dhalinyaradu uga faa’iideeysan karaan dhanka nabadda iyo isdhexgalka.

C/naasir C/laahi Axmed ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay aad uga fiirsadaan waxyaalaha ay ku wadaagayaan baraha bulshada, isagoo yiri ; “Baraha bulshada waxay kamid yihiin qeybaha warbaahinta, warbaahintana waxaa la yiraahdaa waa seef lafa af leh, taasoo noqon karta in qeybta wanaagsanna ay wax ku jari karto, qeybta xunna ay wax ku jari karto, marka qof walba waxaa loo baahanayahy in uu ogaado in baraha bulshada muhiimadda uu leeyahay ay tahay waxa uu qorayo saameynta uu leeyahay in uu xilli walba ogyahay, qof walba in uu ka shaqeeyo arimaha horumarka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan madal iyo bogag ay dhalinyartu ku kulanto oo ay isku weeydaarsadaan waxyaalo danta guud ah, taasoo uu xusay in ay kamid tahay fa’aiidooyinka ugu waaweyn ee dhinacyada nabadda iyo is dhexgalka bulshada.

“Waxaa jira Group-yo iyo bogag ay dhalinayarada waxyaalaha horumarka iyo nabadda uga shaqeeyaan, waxaa jira kuwo cilmiga lagu barto, sidoo kale culuumta jaamacadaha lagu dhigto dhalinyaradu waxay adeegsadaan baraha bulshada, Laakiin inta badan dhalinyaradu waxay ku fooganyihiin dhanka siyaasadda,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Nuuradiin C/laahi C/naasir ayaa sheegay in dhalinayaradu ay yihiin mustaqbalka dalkan oo looga tusaale qaadan karo sida ay dhalinyaradu tahay in uu noqon doono dalka, isagoo yiri ;” Dhalinyarada oo hagaagta waa dalka iyo dadka oo hagaaga, sidoo kale hubka ugu badan ee dadka siyaasiyiinta ama adduunkaba laga adeegsado waa dhalinyarada, maxaa yeelay dhalinyarada qalbigoodu weli ma bislaanin oo wuu jilicsanyahay, si fudud ayaana wax looga dhaadhicin karaa.”

Waxa uu sheegay in haddii baraha bulshada si wanaagsan loo isticmaalo isbadal lagu sameyn karo nolosha bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana waxyaalo badan oo dalka iyo dadka anfacaya ay kasoo bixi karaan, isagoo dhinaca kale sheegay in baraha bulshadu oo si xun loo adeegsadaayi ay sababi karaan dhibaatooyin.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed waa hubka ugu fudud ee aan heeysanno ee aan dalkeenna iyo dadkeenna ku badali karno, waa hubka keliya ee aan u adeegsan karno in aan soo celinayo nabadgalyadii dalka,” ayuu hadalkiisii raaciyay, isagoo sheegay ina y soo badanayaan dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada sidaa si lamid ahna ay soo bateen dadka sida wanaagsan u isticmaala baraha bulshada

Mid kamid ah dhageystayaasha oo magaciisa kusoo gaabiyay Ooska ayaa  sheegay in dhalinyaradu aysan si wanaagsan u fahansanayn saameynta baraha bulshada, isagoo yiri ;Horta baraha bulsahada awoowayaasheenna ma heeysan ilaahay nimco uu na siiyay waayay, balse Soomaalidu ma fahansano si lamid ah sida reer galbeedka oo si wanaagsan u isticmaala, balse innagu dadka inaan ku ceyno ayaan u isticmaalnaa, waxa keenaya waa aqoon darro, haddii dhalinyarada la wacyigeliyo way ku baraarugi lahaayeen, waxaana kula dardaarmayaa dhalinyarada in ay si wanaagsan u adeegsadaan.”