Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howl-gal ka dhacay Degmada...

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howl-gal ka dhacay Degmada Jilib

38
0
SHARE

Horjooge ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka Africa ee Africom ka geysteen Shalay agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

War uu soo saaray Agaasimaha howl-galka Africaom, William Gayler, ayaa lagu sheegay in duqeymaha iyo weerarrada noocan ah ay Dhabar jab weyn ku yihiin Al-Shabaab , una diidayaan in ay sameeyaan dhibaatooyin ballaaran.

Qoraalka kasoo baxay taliska Africom oo aan lagu baahin Magaca horjoogaha, ayaa sidoo kale lagu sheegay in howl-galkaasi aysan waxyeello ka soo gaarin Dadka Rayidka ah ee ku dhaqan halkaas

LEAVE A REPLY